Sheekada Ganacsade Somali ah Oo ku Taajiray 15 Dollar.

Haddii aad u fiirsato dhamaan sheekooyinka ku taxaluqa dadka guusha gaadhay, magacyada, jinsiyada iyo meesha lagu noolyahayba ha ku kala duwanaatee waxaa dhab ah inay ka midaysan caqabada iyo duruufaha kala gadisan ee ay waajahaan intay ku gudo jiraan socdaalkooda guusha iyo sida ay uga dabaashaan caqabadahaa. Saleebaan Maxamed Faarax wuxuu sanadkii 1994 ganacsigiisa ku bilaabay tanag timir ah oo uu dulsaaray miis iyo dalaayad uu ka qotomiyay meel dhinaca ku haysa jidadka waaweyn ee magaalada Hargeysa mid kood oo ku dhexyaala goob suuq ah oo noocyo kala duwan oo ganacsi ahi ka socdaan. Waxay ahayd waqti adag oo gobolada waqooyi ay markii uun ka soo kabanayeen dagaalo mudo socday oo ay lagu waayay mood iyo noolba barakac baahsana sababay. Waxay ahayd waqti nolosha dadka ku dhaqan Hargeysi ay aad u adkayd iyadooy ugu wacnayd deganaansho la'aan dhinaca amaanka ah, sicir bararka maciishada oo aad u sareeyay iyo dhibaatooyin kale oo badan. Markii uu iibsaday tanaga timirta ah ee uu ganacsigiisa ku bilaabay wuxuu siistay 21 dollar oo uu soo amaahday, waxaanu maalintiiba ka faa'idi jiray hal dollar oo kaliya. Wuxuu ahaa qof aaminsan naftiisa, isla markaana aaminsan inuu ka dhabayn karo horumarna ka gaadhi karo ganacsigaa yar ee uu bilaabay. Maxamed markii uu mudo bil iyo badh ah waday ka ganacsiga ee uu faa'ido yar ka qabtay timirtii uu iibinayay ayaa wuxuu bilaabay inuu ku soo kordhiyay miiskii laws iyo cananis uu xidh xidhi jiray. Markii uu waxooga faa'ido ka qabtay intii ayaa wuxuu uga digo rogtay inuu iibiyo dharka bacadlaha isagoo iibin jiray kabo iyo dhar ay dadka danyarta ah xidhaan isagoo markii dambe ganacisigiisii u sii balaadhiyay inuu keeno daahyada guryaha lagu xidho, taasina ay u saamaxayday inuu madaxa la galo nooca ganacsiga uu maanta ku gudo oo ka kooban qalabka qurxinta guriga iyo qalabaynta xafiisyada. Maxamed Saleebaan haatan astaantiisa iyo magaca meheradiisa waxaa si weyn looga yaqaana gayiga somalidu dagto. Isagoo ay alaabtu uga soo dagto wadamada dibada sida Shiinaha iyo Turkiga, Qaar badan oo alaabtiisa ahna lagu farsameeyaa wadanka gudihiisa. Maxamed Saleeban Imika waa Mulkiilaha mid kamid ah shirkadaha ugu sanka dheer ee ka ganacsada qalabka guryaha iyo xafiisyada waxaana la yidhaa shirkadiisa AL-XAYAAT FURNITURE AND HOME DECORATION. Maxamed waa waqtigan xadigiisa maaliyadeed lagu qiyaasaa adduun gaadhaya dhawr Million oo dollar oo uu ka bilaabay 15 dollar oo uu siistay tanag timir ah, isagoo aanu qofna caawin. 

Casharada aan ka barran karno sheekadan..

Adoo ka bilaabay meel hoose ayaad gaadhi kartaa meel sare: Maxamed wuxuu ka bilaabay ganacsigiisa 15 dollar oo siistay tanag timir ah maanta hantidiisu waxay gaadhaysaa dhawr MILYAN oo dollar. Haddii aaminsantahay awoodahaaga iyo inaad guul gaadhi karto meel hoosaba aad ka bilawdide waxaa shaki ku jirin inaad maalin uun gaadhi doonto halkaad rabto.

Isbad-badal yeelo: Maxamed ganacsigiisa wuxuu ku bilaabay tanag timir ah balse kumuu joogsan intaas oo kali ah ee wuxuu ku fikiray sidii uu u balaadhin lahaa ganacsigiisa si uu u gaadho yoolkiisa oo ah inuu noqdo ganacsade weyn. 

Ku fikir inaad samaysato ganacsi: Maxamed wuu awooday inuu shaqo uu nolol maal-meedkiisa ku dabaro helo balse wuxuu ka doorbiday inuu samaysto ganacsigiisa walow faa'idaduu ka helayaa haba yaraatee. Haddii aad ku fikirto uun inaad shaqaale ahaato waxaa dhab inaanad horumar la taaban karo kaa gaadhi doonin waligaa, sikasta oo aad u shaqaysana lacagta lagu siinayaa ay ahaan doonto mid kooban. Balse hadaad ganacsi furato faa'idadaadu waxay noqon doontaa mid xad lahayn.

Jooji inaad ka cabato caawimaad la'aan: Maxamed intii uu horumarkaa samaynayay ma jirin qof ka caawiyay isla markaana soo gacan qabtay. Inaad cudurdaar samaysataa waa wax fudud balse ogow inay dhabar jab ku tahay horumarkaaga iyo ogaato awoodahaaga ayna kuu horseedayso guuldaro.

Adna Sidoo kale waad samayn kartaa: Wuxuu Maxamed ka soo bilaabay meel aad u hooseysa, manuu haysan wax ka badan inta laga yaabo intaad maanta haysato, xaqiiq ahaan waxa laga yaabaa in waxa aad maanta haysataa ay ka badan tahay intuu haystay. Hadalkoo gaaban sidoo kale waad samayn kartaa.